Hot Topics

Maxay danta Dowlada Turkigu ka leedahay Somaliya?

Somaliya 36-Wadan,ayaa Gacmaha kula jira.

Mid walba,waxuu leeyahay dano ugaar ah oo sababay faragelintiisa,waxaa ku jira kuwo isku dano dhow oo isla hawlgala.

Tusaale?

Turkigu Somaliya,waxuu ka leeyahay dano dhaqaale iyo mid Ciidan…

1.Ciidan ahaan in uu saamayn ku yeesho Dalkaas ku yaal marinka muhiimka ah oo uu hanto tababarada iyo Qalabaynta Ciidanka Somaliyed.

2.In uu dhexgalo Wardoon ahaan Dalka oo saamayn ku yeesho Bulshada dhaqankeeda iyo hab fikirkeeda.

3.In uu dhaqaale ka sameeyo sida…

B.Dekedaha iyo Garoomada.
T.Waxbarashada iyo Caafimaadka.
J.Khayraadka Dabiiciga ah.
X.Dulaalnimo.

Kh.Mashaariicda

Booqashadii Erdogan ee xiligii adkaa,ayaa quluubta Somalida hantay oo Turkigu kaga faa’idaystay fulinta in badan oo danihiisii ahaa.

Sidoo kale,waxuu dhexgalay Madaxda Somalida oo kuwo badan,ayaa Guryo ka iibsaday,halka kuwa kale dhaqaale ku qarsadaan Bangiyadiisa,taasoo dhalisay in uu saamayn ku yeesho go’aamada ay gaarayaan.

Waxay ku tilmaamaan Dadka la socda Siyaasadiisa in uusan ku faraxsanayn burburka Dowladnimo ee Somaliya.

Balse ma dhiirigeliyo nidaamka Fadaraalka ah.

Jibril Qoobey.