Hot Topics

Ururada Siyaasada Puntland oo ansixiyay in laga guuro habka Sadexda Xisbi

Xalay,waxaa kulmay 9-ka Urur Siyaasadeed ee Puntland 7-ka mid ah.

Waxaa la hor dhigay hindisihii ahaa Sadexda Xisbi in looga guuro 5-Xisbi oo Siyaasada Puntland ka arimiya 10-ka sano ee soo socota.

Lix ka mid ah,ayaa isku raacday in laga guuro Sadexda Xisbi loona badalo 5-Xisbi.

Golaha Wasiirada,ayaa la horgaynayaa oo ansixin doona,waxaana kadib loosii gudbin doonaa Baarlamaanka oo lifaaq ka dhigi doona Dastuuriya.

Xulka Siyaasada reer PL,ayaa qabay fikirkan kana soo horjeeday in Sadex Xisbi loo xiro Siyaasada,balse Deni tiisuu dhex raacsaday oo waa ka faa’idaystay.

Xalay ayay ufariisatay rajadii mudo kororsiga Deni oo hankiisu waa in Doorashada Golayaasha Deegaanka lagu daba xijiyo tan Baarlamaanka,iyadoo 5-ta Xisbi iyo Gudiga doorashada ay isla qaadanayaan mudo lagu hirgelinayo.

Wal-walkii uu ka qabay Deni in uu ka hor istaago mudo kororsiga Ururka Mideeye oo ay cadahay in uu noqon doono Xisbi,ayuu u arkaa in uu xal uhelay oo ku muquunin doono Aqlabiyad,maadaama 5-ta Xisbi uu ku kalsoon yahay in uu ka helayo mar walba 3-Xisbi oo ay isku aragti noqdaan.

Jibril Qoobey.