Hot Topics

Wararkii udanbeeyay Ee dagaalka Sudan

Dagaalada ka socda Sudan ayay ku naf waayeen ilaa xiligan in ka badan 400-Qof,waxaana ku dhaawacmay in ku dhow 5000-Qof,halka ay ku barakaceen in ka badan 800,000 oo Qof.

Dagaallka,ayaa Sudan ka qarxay bishii April 15-keedii.

Ilaa Maanta,waxaa loo la’a yahay Xal rasmi ah,waxaana jira heshiisyo laysla waafaqay oo Xabad joojin,balse weli dagaalku waa sii socdaa.

Waxaa xirmay Xarumihii Caafimaadka,Waxbarashadii,Ganacsigii,waxaana sii yaraanaya Cuntadii,Korntadii iyo Biyihii.

Hadii dagaalku sii socdo,waxaa lumi doona kala danbaynta iyo maamulka hoose ee Dowladnimo,iyadoo haatanba ay bilaabatay bililiqo.

Sudan waxay noqotay meel ay isku hardiyaan Dowlado shisheeye danahooda.

Milliterigu waxay ku adkaysanayaan in ay soo afjarayaan Maleeshiyaadka ay taageeraan Gacmaha shisheeye.

Halka Maleeshiyaadka RSF ay gabaad ka dhigteen Guryaha Shacabka iyo xarumaha Caafimaadka.