Hot Topics

Video:-Yaa ka danbeeya burburinta Biyo xireenkii weynaa Ee Kakhovka?

Biyo xireenkii aadka uweynaa Kakhovka,ayaa la burburiyay.

Dowlada Ukrain waxay ku eedaysay in Ruushku burburiyay Buundadaas balaaran ee Biyo xireenka ah,halka Ruushku dhankiisa eeda saaray Ukrain.

Biyo xireenkan oo ay maraan Biyo gaaraya 18-Milyan oo Mitir Cube ah,ayaa Waqooyigiisa,waxaa maamusha Ukrain,halka Koonfurtiisa ay maamulaan Ruushka.

Fatahaada ka dhalatay Buundada burburtay ee Biyo xireenka,ayaa keentay in Dowlada Ukrain ku dhawaaqdo xaalad deg-deg ah,kadib markii Biyuhu la tageen Guryo fara badan,Gaadiid oo ay baabi’iyeena Dhul Beereed balaaran.

Ku dhawaad 16-kun ilaa 22-Kun oo Qof,ayaa khatar ugu jira in ay saameeyaan Biyaha fatahay.

Kooxaha gurmadka ee Ukrain,ayaa wada dadaal ay kaga daad guraynayaan Dadka Aagaas.

Baqdinta ugu weyn,ayaa ka imaanaysa Xarun Niyukleer oo dhalisa Korontada,ayaa Fatahaadu saamaysay waxayna bilowday in ay Liig sii dayso.

Burburinta Buundadan waxay sababatay khasaare dhaqaale,mid bini’aadannimo iyo mid amni,waxaana lagu qiyaasay khasaarahaas Hal Tirilyan oo dolarka Maraykanka ah.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka fatahaada