Hot Topics

Wakiilka QM oo ku amaantay PL doorkeeda xaalka LC iyo Dimuqraadiyada

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Somaliya,waxay si weyn u amaantay Dimuqraadiyada Puntland hirgelisay,waxayna sheegtay in ay hormuud ugu tahay guud ahaan Somaliya oo la rabo in ay jihadaas Aado.

Laascaanood iyo doorka Puntland ayay bogaadisay kuna dhiirigelisay in ay sii xoojiso.

Dib uhabaynta Dastuurka iyo Dowlad dhiska Somaliya ayay ka codsatay in PL ay doorkeeda muhiimka ah qaadato.

Dhanka Dowlada Puntland waxay Beesha caalamka ku amaantay Warkii ay kasoo saartay xaalka LC.

PL waxay xoojisay in sida uu yahay loo fuliyo warka kasoo baxay Golaha amaanka.

Soo dhaweyn maqaamkeedu sareeyo ayay la kulantay Wakiilka Xoghayaha guud ee Somaliya.

Halkan ka daawo muuqaalka