Hot Topics

Madaxweyne Deni oo booqday xarunta Gudiga Doorashada PL

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr H.E Said Abdullahi Deni ayaa maanta booqasho ku yimi Xarunta Dhexe ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland.

Madaxweynaha waxa xarunta kusoo dhaweeyay Gudddoomiyaha Guddiga Mudane Abdirisak Ahmed Said, waxa uuna xubnaha sare ee Guddiga iyo Hawlwadeenada TPEC ee Xarunta Dhexe ku bogaadiyay shaqadii adkeyd ee ay soo qabteen isagoo ugu Hambalyeeyay inay soo qabteen Hawl Hufan oo shacabka Puntland iyo daneeyayaasha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ba u riyaaqeen.

Madaxweynaha waxa uu Guddiga iyo Hawlwadeenadaba ubalanqaaday in Dowladdu ay sii wadi-doonto tayaynta iyo taagerida guddiga doorashoyinka.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Guddiga Mudane Abdirsak Ahmed Said ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay booqashada, bogaadinta iyo mahadcelinta uu ugu yimi Guddiga.