Hot Topics

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ku guulaystay hor istaaga wax ka badalka Dastuurka PL

Way diideen in wax laga badalo Dastuurka si Ururada loo furo,isla markaana Doorashada Madaxweynaha looga dhigo mid Dadweynuhu toos Codkooda ugu soo xushaan.

Madaxweynaha oo diidan in khilaafku sababo Gacan ka hadal,ayaa hakiyay Qodobkaas ilaa xal laga gaarayo”talo ma dhaafin”.

Halkaas markay marayso Dimuqraadiyadu ha socoto oo yaan la hakin hana lagu galo Doorashada Xildhibaanada Xeerarka Dastuuriga ah ee qoran haatan.

Xildhibaanadu waxay ku imaanayaan Cod Dadweyne,sida Dastuurka ku qoran haatan,waxaana la joojinayaa laalidii la samayn jiray Doorasho walba.

Xisbiyadu waa Sadex sida Dastuurka ku qoran haatan.

10-ka Nov hala qabto Doorashada Xildhibaanada oo Dadku toos Codkooda ugu soo dooranayaan,sida Dastuurku qabo.

8-Janaayo 2024 hala qabto Doorashada Madaxweynaha oo ay dooranayaan Xildhibaanada Shacabku soo doorteen,sida Dastuurku qabo.

Dastuurka fulintiisa Dowladu haku yato’do,meel ay ku xoqdaanba ha waayaan.

Markaas ma sidoodii ayay Sadexda Degmo isbaaro dhiganayaan oo ka reebayaan doorashada Xildhibaanada??

Dimuqraadiyada Albaabo door ah,ayaa ufuran.

Jibril Qoobey.