Hot Topics

Faallo:-Booqashada Xoghayaha Arimaha dibada Maraykanka Ee Shiinaha

Xoghayaha Arimaha dibada Maraykanka,ayaa booqasho ku tagey Shiinaha ugu danbayn.

Dhawr jeer ayay baaqatay booqashadiisa Shiinaha sababo jiray aawadood,kuwaasoo lagu xusi karo murankii Baarashuudkii Basaaska ee Hawada Maraykanka lagu arkay iyo Xaalada Taiwan.

5-sano waa masuulkii ugu sareeyay ee Maraykan ah oo taga Shiinaha.

Booqashadan,waxay leedahay xiiso gaar ah,waxaana ugu weyn arimaha looga xaajooday Ganacsiga iyo amaanka oo ay ugu horayso arinka Taiwan.

Shiinaha,waxa uu rabaa in Maraykanku faraha kala baxo arimaha Taiwan oo uu u arko arin Shiinaha gudihiisa ah.

Sidoo kale Shiinuhu waxuu rabaa in uu Maraykanka la yeesho iskaashiga Ganacsi oo ballaaran.

Halka Maraykanku Taiwan uyahay Sxb weyn oo ay ka joogaan 50-kun Askari iyo Maraakiibta xanbaarta Diyaaradaha.

Sidoo kale Maraykanku ma danaynayo in Dhaqaalaha Shiinuhu kobco.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka