Hot Topics

Cabdirisaaq Khaliif oo ay ubadan tahay in uu noqdo Ra’isalwasaare

Ra’isalwasaaraha Jamhuuriyada,waxay ubadan tahay in uu noqdo Sanadkan dabayaaqadiisa Cabdirisaaq Khaliif.

Weftigii QM ee yimid Garowe,ayaa M.Deni hordhigay in uu keensado Musharax Ra’isalwasaare oo ay Xasan ugeeyaan.

Kadib Deni,ayaa la xiriiray Garaadada,una gudbiyay fikradiisa ah in Cabdirisaaq halkaa la geeyo,waxuuna usheegay in BC ka codsatay Musharaxiisa Ra’isalwasaare.

Garaadadu way ku raaceen,waxayna ku xoojiyeen in ay M.Xasan kalaba sii hadlayaan dhankooda in uu aqbalo soo jeedintaas.

Xasan Shiikh oo markii hore Garaadada shuruud uga dhigay haday ka rabaan maamul Gobol oo Kmg ah in uu umagacaabo in 17-ka Xildhibaan ee Sool ku leedahay Baarlamaanka PL ay siiyaan oo uu kusoo saaranayo Madaxweyne PL,ayay tani ku noqotay lama filaan iyo qaadan waa.

Xasan waa ku adag tahay in uu Ra’isalwasaare ka dhigo Ninkii iska soo casilay Gudoomiyaha Baarlamaanka SL,waxayna dagaal qaawan ku tahay oo ay ku kala tagayaan isbahaysigiisa Geelle iyo SNM.

BC waxay Deni usheegtay in ay Xasan isku afgarteen si Dowladu ushaqayso in Ra’isalwasaaraha laga keeno PL.

Deni,waa gudbiyay Musharaxiisa jagadaas,waana usheegay Cabdirisaaq Khaliif.

Waa talaabo sii xoojinaysa midnimada Beelweynta Harti oo ah Qoob ka ciyaar Siyaasadeed oo sare.

Jibril Qoobey.