Hot Topics

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA GOBOLKA GARDAFUU.

Garoowe: 25 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 34 ee 24-ka Juun, 2023, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Gardafuu

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cumar Cismaan Siciid loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.