Hot Topics

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY LA-TALIYAHA ARRIMAHA GUDAHA IYO AMNIGA IYO LA-TALIYAHA SAXAAFADA IYO WACYGELINTA.

Garoowe: 25 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 36, Lr . 37 ee 24-ka Juun, 2023, kuna saabsan magacaabid La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada iyo wacygelinta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdi Cali Qarjab loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Gudaha iyo Amniga.

2. Waxaa Qaalib Xasan Maxamuud Baaruud loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada iyo Wacyigelinta

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.