Hot Topics

CUNTO KARIYIHII LIILIIJIYEY KALIGII TALIYAHA RUUSHKA EE PUTIN.

Sida aynu ognahay wadanka Ruushka oo ah wadan shuuci ah oo xir xiran dhankasta, oo leh madaxweyne kaligii taliye in ka badan 20sano xukumayay wadanka, wadankaas oo ah wadan ku hubeysan nukliyeer, islamarkaana ka mid ah wadamada ugu badan wax soo saarka hubka, ayaa waxaa 24saac wax ka yar ku fashiliyey awoodiisi maamul, Prigozhin , oo ahaa cunto kariyaha madaxweyanaha wadanka ee Putin, kaas oo aan lahayn taariikh hore oo siyaasadeed.

Waa kuma Yevgeny Prigozhin?

Hogaamiye calooshood u shaqeystayaal ah oo caan ah , Prigozhin ayaa hogaaminaya kooxda gaarka ah ee Wagner ee dagaalka gardarada ah ee Ruushka ka dhanka ah Ukraine. Taariikhdiisa hoggaamineed ee Moscow waxay soo taxnayd tobannaan sano.

Waa maxay kooxda Wagner?

Kooxda Wagner waa urur ay leeyihiin calooshood u shaqeystayaal xagjir ah oo ka bar bar shaqeeyay ciidamada Ruushka intii uu dalku galayay Ukraine. Asalka hore ee Wagner wuxuu u muuqdaa inuu ahaa 2014, markii ay ka dhex qarxeen Ukraine iyo Ruushka iskahorimaad ku saabsan gobolka Crimean.

Prigozhin ayaa baraha bulshada ku sheegay inuu doonayay inuu dhiso koox dagaalyahano ah oo difaaci karta danaha Ruushka ee gobolka. Kooxdu waxay ku xidhan tahay colaadaha Liibiya, Suuriya iyo dhawr waddan oo Afrikaan ah.