Hot Topics

Rabshadaha Faransiiska oo sababay in la baajiyo booqasho uu ubixi lahaa Macron

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron,ayaa dib u dhigaya booqashadii lagu waday inuu ku tago dalka Jarmalka, taasoo ka dhalatay qalalaasaha ka taagan Faransiiska.

Waxay ahayd booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Faransiis ah ku tago Jarmalka muddo 23 sano ah, waxaana lagu waday in ay qaadato berri ilaa Talaadada.

Madaxtooyada Jarmalka,ayaa ku dhawaaqday in “madaxweynaha Faransiiska Macron uu maanta khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter Steinmeier oo uu uga warbixiyay xaaladda dalkiisa.

Madaxweyne Macron waxa uu codsaday in dib loo dhigo booqashadiisa qaran ee la qorsheeyay in uu ku tago Jarmalka.

Weli lama helin taariikh la qorsheeyay safarka Macron uu ku tegi doono Jarmalka.

Maalinkii Afraad ayay galeen rabshadaha ka socda Wadanka Faransiiska,waxayna umuuqdaan in ay sii xoogaysanayaan.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka