Hot Topics

Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo loo haysto edeymo musuq-maasuq.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamuud ayaa maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyey dacwad ka dhan ah 18 sarkaal oo loo haysto eedo kala duwan.

Eedaha loo jeediyey saraakiishan ayay ka mid yihiin xatooyo xoolo dadweyne, been abuur dokumenti, musuq-maasuq, lunsasho iyo leexsasho xoolo dadweyne, ka faa’iidayaysi mansabi iyo xafiis dawladeed, iyo dayacaad waajibaadkii saarnaa.

Eedaysanayaasha ayaa isugu jira sagaal eedaysane oo xiran iyo sagaal eedaysane oo maqane ah.

Dadka lasoo eedeyey ayaa ah saraakiil haystay maamulka dhexe sida agaasimayaal, madaxda ka tirsanayd laanta socdaalka iyo jinsiyadda, ruqsad siinta ajaanibta, canshuuraha, iyo xilal kale.

Xeer ilaalyaha ayaa ugu baaqay maxkamaddu inay soo muddayso dhagaysiga dacwadda loo haysto eedaysanayaasha.

Liiska xubnaha eedeysanayaasha ee Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranku u gudbiyay dacwadooda Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Jooge / xiran

1- Cabdulaahi Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqad iyo  Arrimaha Bulshada (06-08-2020.
2- Maxamed Cadde Mukhtaar Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqad iyo  Arrimaha Bulshada (2015 – 2020.
3- Cabdullaahi Maxamed Cosoble Agaasimaha Waaxda Ajaaniibta.
4- Cumar Macallin Kutiin Agaasime ku xigeenka Waaxda Ajaaniibta.
5- Saabir Xasan Cabdi Nuur Madaxa Hubinta Visa kordhinta Waaxda Ajaaniibta.
6- Aadan Maxamed Cabdi Maamulaha Qaadasha Visa-ha ee Waaxda Ajaaniibta.
7- Abubakar Maxamed Cali Maamulaha Cashuuraha Barigga.
8- Cabdiqaadir Cabdi Socdaal (Abtidoon) Khasnajiga qaybta Ajaaniibta.
9- Maxamed Aadan Cabdullaahi Maamulaha Bangiga ee Laanta Airport-ka Aadan Cadde.

Maqane / baxsad

1- Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim Madax-qaybeedka Ruqsansiinta Ajaaniibta ee Waaxda Sharciga iyo xiriirka shaqaalaha.
2- Cabdullaahi Daahir Weheliye Khasnajiga Bangiga ee Laanta Airport-ka Aadan Cadde
3- Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim Shaqaale ka tirsan Waaxda Ruqsansiinta Ajaaniibta ee Waaxda Sharciga iyo xiriirka shaqaalaha.
4- Muxiyadiin Xasan Julus (Saabey) Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Barigga
5- Maxamed Idiris Axmed Madaxa Canshuuraha Dadban ee Wasaarada Maaliyadda
6- Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Agaasimihii hore ee Ha’yadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha
7- Cabdiqaadir Cilmi Cali Agaasimaha Guud ee Ha’yadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha
8- C/raxmaan Maxamed Cali Agaasimihii hore ee Waaxda Ajaaniibta
9- Abubakar Xasan Aadan Madaxii hore ee xaqiijinta Documents-ka Codsiga Visa kordhinta Waaxda Ajaanibta

Jibriil.