Hot Topics

Musuq maasuqa baahsan ee ka dhex jira canshuuraha laga qaado Qaadka dalka yimaada.

Waxaa muhiim ah la muujiyo oo la baahiyo lacagaha xoogan ee musuqa ah, ee laga qaado qaadka dalka yimaada kaas oo lagu meel marsaday, magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, lacagtaas oo ay qaadaan kooxda Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, kuna xaroota akoono ay gaar u leeyihiin oo aan ahayn kuwo dowliga ah,

Haddaba, si looga hortaggo musuqa loona fuliyo amarka Madaxweynaha waxaa khasab ah in daaha laga qaado xaqiiqda lacagaha canshuuraha Qaadka.

Canshuurta Qaadka

Qaadka Maalin walba Muqdisho ka dago qiyaas ahaan 15,833 Marduuf.

Camshuur go’an ayaa laga qaadaa oo ah 47,500 (Fixed Price).

Waagi Hore xilligii Farmaajo 60,000 ayaa camshuurta maalinti laga qaadi jiray jaadka.

4.5 doar Marduufki ayaa laga qaadaa Dalka oo dhan oo qiyaastii ah 35,000 marduuf.

35,000 * $4.5 = $157,500 taasoo maalintii noqonaysa 157,000 oo doolar oo marka lagu dhufto 30 maalmood bishii noqonaysa = $4,725,000 Bishii (Afar Milyan, todobo boqol iyo 25 kun doolar).

Lacagtaas waxaa la qaadayaa Mudada ay dowladdan joogto oo ah 418 Maalmood
418* $157,500 = $ 65,835,000 (lixdan iyo shan Milyan, Sideed boqol sodon iyo shan kun doolar)

Lacagtaas kuma dhacdo khasnadda Dowladda ee Wasaaradda Maaliyadda oo si madoow ayaa Villada iyo koox macaashlayaal ah oo ku xiran ay u kala tuurtaan.

Weli ma maqasheen cid loo xirey xisaab celinteeda?

Waxaan rajeynayaa in Villada su’aashaas ay shacabka ka shifeyso oo ay caddeyso xisaab celinteeda.

F.G meel kasta qof aan su’aal keeni karin oo lacagtaas bac ku qaada oo kaliya ayaa la geeyey.

Waxaan kaloo soo wadnaa lacagaha kale ee garoonka iyo Dekedda laga qaado oo aan marin khasnadda Dowladda.

Jibriil,