Hot Topics

Islaan Ciise iyo Aaran-shaydaan oo ay ubadan tahay in ay Deni isku dhiibaan

Xaalku waa ku adag yahay oo Lix Nin iyo Islaankii,ayaa cidlo yuurura Caawa..

1.Doorashadi ayay Degaankii ka reebeen.
2.Ciidan Beeleed ayay hubeeyeen.
3.Dagaal aan loo baahnayn ayay galeen.
4.Magaaladi Caasimada ahayd ayay dumiyeen
5.Magaaladi,ayaa laga qaxay.

Dhaqankii Beesha kala jab oo Suldaankii,waxuu taagan yahay reer PL,ayaan ka mid nahay,waxay qaataan,ayaan la qaadanaynaa.

Wax garadkii Beeshu Abokor iyo Muuse,ayuu ukala jabay ama Dimuqraadiyad iyo Tarre,ayuu ukala carraabay.

Waxaas oo dhan wixii ay usameeyeen xalkeedii ma hayaan oo Dimuqraadiyadii iyo qorshihii Dowladu si habsami leh ayay usocdaan.

Shirkii Isimada oo ay islahaayeen ku kaarta baxa oo ku marmarsiyooda soo jeedinta Dhaqankaan tixgelinay,waa fashilmay.

Haatan awood,dagaal iyo isbaaro danbe kuma harin Islaanka iyo Aaran,waxuun xal ah oo cududaar unoqda bay raadinayaan xataa haday Deni isku dhiibayaan.

Islaan Ciise,waxuu Madaxwaynaha ku cadaadinayaa in uu hadlo oo mowqifka Dowlada cadeeyo si looga maarmo isku imaatinka isimada,halkaasna uu ku baaqdo Shir Garowe ka dhaca oo aan isaga hoos imaan Gudoonkana Boqorku leeyahay oo Suldaan Garaase abaabulay.

Reer Puntland oo dhan,way dawanayaaan hogaaminta Islaanka iyo Aaran-shaydaan.

Jibril Qoobey.