Hot Topics

Ururka Mideeye oo markale ku celiyay in uu diidan yahay waxkabadalka Dastuurka

Shirka jaraa’id ee uu qabtay Ururka Mideeya?

Hal Qodob waa looga hakan karaa?

1.Dib udhaca ansixinta Natiijadil Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka ee Maxkamada Dastuuriga ah.

Qodob looma hakan karo?

1.Dhibkii ka dhacay Garowe oo Ururku saaray eediisa Dowlada,taasoo aysan waxba ka jirin loona jeeday cida masuuliyada dhibkaas qaaday.

Qodobka wax ka badalka Dastuurka?

Dastuurka in wax laga badalo xiligan,waa umuhiim reer PL,sababtoo ah,waxaa uga xiran Labo arimood oo masiiriya….

B.In Xisbiyada la badiyo si fursad loo siiyo Qof walba oo han Siyaasadeed leh.

T.In Shacabku doortaan Madaxweynahooda.

Baarlamaanku awood,ayuu uleeyahay wax ka badalka Dastuurka,isagoo umaraya Wadooyinka Sharci ee isla Dastuurku dhigayo,waana mareen.

Mideeye,waxaa ka muuqata rabitaan ah in Siyaasadu Dad, koox ama Ururo kooban ay uxiraanto,taasoo Bulshada PL ay diidan tahay.

Inta badan hadalka kasoo baxay Mideeye waa Siyaasad hadal ee mahan dan hadal iyo mid ku qotoma masiirka Ummadda.

Jibril Qoobey.