Hot Topics

Maxay ku salaysan tahay Casuumada Xamse Ee Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland?

Xamse,waxuu casumay Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland si gaar ah.

Casuumadiisu,waxay ku salaysan tahay in uu kala hadlo garab siin,sida wararku sheegayaan.

Xamse,waxuu dareemayaa in Xasan kasii fogaanayo oo ay soo dhowdahay xiligii laga maarmi lahaa oo lagu kaarto bixi lahaa.

Haatan Xamse agtiisa,waa lagu xantaa Xasan,mararka qaarna,isagaaba tilmaama dhaliilihiisa,waxaana muuqata in uu hada udhaqmayo sidii Qof soo baraarugay.

Balse Xamse Maanta cidna uma hiilin karto,isaguna isma difaaci karo oo mustaqbalkiisa Siyaasadeed,waxuu la mid yahay Sanbuuse laga adimay.