Hot Topics

Imtixaankii Macalimiinta Dugsiyadda Hoose/Dhexe Puntland oo furmay

Imtixaankii Macalimiinta Dugsiyadda Hoose/Dhexe ayaa dhamaan ka furmay Gobolada iyo Degmooyinka Puntland.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland,ayaa maanta daah-furtay imtixaan qaadista Wejigii Labaad ee Macallimiinta Puntland (Teacher Proficiency Test).

Waxaa maanta la qaaday Imtixaankii xaqiijinta tayada Macallimiinta Wajigiisa Labaad, kaas oo intii uu socday kormeer joogto ah lagu hayay.

 

Imtixaankan, oo lagu eegayo isbeddelka aqooneed ee Macallimiinta iyo soo ifbixidda juhdigii ballaarnaa ee la galiyay,ayaa la rajaynayaa in wax badan iska beddelaan xaaladdii hore & tan dambe.