Hot Topics

Kulankii Xamse iyo Xubnaha PL ku matala Labada Gole oo is Afgaranwaa kusoo idlaaday

Kulankii Xalay dhexmaray RW Xamse iyo Xildhibaanada,Seneterada laga soo doorto Puntland,waxuu kusoo idlaaday fashil.

Xamse ujeedada uu casumay Xildhibaanada iyo Senetereda kasoo jeeda Puntland,waxay ahayd amar ka yimid M.Xasan oo loogu olalaynayo meel marinta heshiiskii Madasha.

80% Sen iyo Xil ka qaybgalay kulanka,waa ku Gacansayreen taageerada heshiiskaas,taa badalkeeda,waxay Xamse ku eedeeyeen…

1.In uusan Matalaad lahayn oo uu difaacan waayay xataa Kursiga uu ku fadhiyo ee RW.

2.In uu kala jabiyay midnimadii Labada Maamul ee JL iyo PL.

3.In uu waxba tari waayay SSC oo ku xigeenkiisu si cad ugu xadgudbay laguna hagardaameeyay Dowladnimada uu ka yahay RW.

4.In uu taageeray burburinta PL oo Dadka loo adeegsanayo ugudbiyo dhaqaalaha iyo Rasaasta.

Xamse ma filayn in Xil iyo Sen kasoo jeedaa PL sidaa uga fog yihiin oo ay ka midaysan yihiin saluugmada hogaamintiisa.

Koox dano gaar ah ku qabta,ayaa si khaldan uga dhaadhicisay in ay taageersan yihiin Xubnaha Labada Gole ee Baarlamaanka Fadaraalka ku matala Puntland.

 

Jibril Qoobey.