Hot Topics

Dagaalada ka soconaya Laascaanood ayaa ku qasbay Hay’ada MSF inay joojiso shaqadeedi ay halkaa ka waday.

Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa gaartay go’aan adag oo ah in ay joojiso adeegyadeeda ay ka waday isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood, ee gobolka Sool, Soomaaliya.

Weerarada soo noqnoqday ee xarumaha caafimaadka iyo heerka rabshadaha ba’an ee Laascaanood ayaa gaaray heer ay MSF aysan awoodin inay bixiso daryeel caafimaad ee ilaalinta iyo badbaadinta bukaanada, iyadoo daryeelayaashooda, iyo shaqaalaha caafimaadka aysan haysan wax dammaanad qaadi kara amnigooda.

Dhacdadii u dambaysay ee 8-dii Luulyo, ayaa cisbitaalka guud ee Laascaanood lagu garaacay dagaalka, kaas oo sababay dhaawac soo gaadhay shaqaalaha caafimaadka iyo daryeelayaasha. Dagaalka ayaa sidoo kale waxaa uu burburiyay Gaari Ambalaas ah waxaana uu sababay in la xiro qeybta hooyada iyo dhallaanka ee Isbitaalka. Waa dhacdadii shanaad tan iyo markii ay kordheen rabshadaha 6-dii February ee sanadkan. Rabshadihii hore ee Laascaanood ka dhacay ayaa sidoo kale galaaftay nolosha shaqaale caafimaad iyo kuwo mutadawiciin ah oo taageeraya gurmadka caafimaad ee dadka ku dhaawacmay dagaalka.

“Waan ka xunahay in nalagu qasbay inaan joojino taageeradayada caafimaad… laakiin waxaan u baahanahay inaan awoodno inaan ka shaqeyno deegaanka halkaas oo heerka ugu hooseeya ee badbaadada lagu hubinayo bukaannada iyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka.” DANA KRAUSE, WAKIILKA MSF ee dalka

TWEET KAN

“Waan ka xunahay in nalagu qasbay in aan joojino taageeradayada caafimaad, annaga oo og in tani ay saameyn ku yeelan doonto helitaanka  daryeelka caafimaad ee muhiimka ah – kaas oo ay horay u wiiqeen iska horimaadyada socda,” ayuu yiri Dana Krause, wakiilka MSF ee dalka.

“Laakiin hadii aanu ka sii shaqaynayno deegaanka waxaa muhiim ah in damaanad qaad buuxa loo helo  badbaadada bukaanka iyo amniga shaqaalaha daryeelka caafimaadka.”

Tan iyo Maajo 2019, MSF waxa ay cusbitaalka guud ee Laascaanood ku taageertay sahay caafimaad iyo khibrad farsamo oo loogu talagalay gargaarka deg degga ah iyo qolka qaliinka, iyo sidoo kale taageero maaliyadeed oo ay siiso shaqaalaha bixiya adeegyada caafimaadka ee ogaanshaha iyo daaweynta carruurta nafaqo-xumada ba’an iyo cudurada kale. Sannadkii 2022 oo keliya, kooxaha caafimaadku waxay sameeyeen in ka badan 7,200 oo la-talin deg deg ah waxayna caawiyeen in ka badan 2,000 oo dhalasho ah. Toddobaadkan, nasiib darro, kooxaheennu waxa ay bixinayeen deeqdii ugu dambaysay ee agabka caafimaadka, oo ay ku jiraan xirmooyinka lagu daweynayo bukaannada ku dhaawacmay dagaalka.

Iyadoo taageeradii aanu siinay adeegyadii caafimaadka ee Laascaanood ay dhammaanayso, waxa aanu ku sugnaan doonaa gobolka Sool anagoo ilaalinayna hawlaha aasaasiga ah iyo kuwa gaarka ah ee dhinaca caafimaadka ee Kalabaydh oo 40 kiiloomitir koonfurta ka xigta Laascaanood. Halkaasi oo dadkii ku barakacay colaadda hadda jirta ay daryeel caafimaad u raadsanayeen.

Afartankii sano ee la soo dhaafay, MSF waxa ay wax ka qabatay xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka bini’aadantinimo iyo nafaqo-xumada ee soo noqnoqday ee bulshooyinka Soomaaliyeed. Waxaan ku celineynaa sida ay nooga go’an tahay in aan sii wadno sidaas, anagoo ilaalineyna dhexdhexaadnimada, iyo annagoo ku duulayna magaca anshaxa caafimaadka caalamiga ah iyo xuquuqda gargaarka bini’aadantinimo. MSF waxa ay ku codsanaysaa xoriyad buuxda oo aan laga hor istaagin gudashada shaqadeena.