Hot Topics

Puntland School Of Government oo la yagleelay

Garoowe: 30 July 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta shahaadooyin guddoonsiiyey Shaqaalaha Rayidka ah ee dhameystay Waxbarashada Machadka tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa muujiyey in Dowladdu dadaal ku bixisay kor u qaadista aqoonta iyo xirfada Shaqaalaha si loo tayeeyo adeegyada ay Dowladdu u hayso Bulshada, wuxuuna Munaasabadda kadib Madaxweynuhu goobjoog ka noqday heshiis wada shaqeyn iyo horumarin, oo u dhexeeya Wasaarada Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Machadka Tababarada Shaqaalaha Kenya ee (KSG) oo ay wada shaqeyn leeyihiin machadka tababarada Shaqaalaha Dowladda Puntland.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.