Hot Topics

Maxay yihiin Qodobada loo qabtay 12-ka Bilood in ay ku fuliso Dowlada Somaliya?

Qaramada Midoobey waxay Dowlada Somaliya usoo jeedisay in ay horumar ka samayso 12-ka Bilood ee soo socda 8-Qodob oo kala ah….

1. Heshiis Siyaasadeed oo DG iyo Dowlada Dhexe ah.

2. La-dagaaalanka Musuqa.

3. Horumarinta Dowlad wanaagga.

4. Dhowrista nidaamka loo marayo deyn cafinta.

5. Hirgelinta Qorshaha Amniga Qaranka.

6. Ka miro dhalinta wadahadalada SL.

7. Dib u habeynta Cadaaladda.

8. Dhameystirka bixidda Ciidamada Midowga Africa si xasiloon.

Qaramada Midoobey,ayaa qoramadeeda ku sheegtay in intaas lagu gaari karo xasilooni siyaasadeed iyo Dowladnimo taam ah oo caalamku la fal galo.

Soo jeedinta QM,waa amar dadban oo hadii la qaadan waayo go’aamo Dowlada Somaliya ka dhan ah ku xigi doonaan.

Warbixinta QM,waxay ka dhigan tahay.. (Dowlad ma tihidin ee Wadadaa umara in aad Dowlad noqotaan).

Si gaar ah,waxay waji gabax ku tahay Xasan Shiikh oo waxaa loo sheegay in aysan jirin wax la taaban karo oo uu ka qabtay Dowlad dhiska Dalka.

 

Jibril Qoobey.