Hot Topics

M.Deni oo daah furay Mashruuca xalka waara Ee Daadka kusoo rogmada Qardho

Qardho: 12 August 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Mashruuca Xalka Waara ee Fatahaada iyo daadadka kusoo rogmada Degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar. Masuuliyiinta iyo Injineerada ku shaqo leh Mashruucan ayaa munaasabadda kusoo bandhigay sida loo maarynayo daadka kusoo rogmada magaalada oo ah Hab xal waara ah.

Madaxweynaha ayaa muhiimad gaar ah siiyey Sidii xal waara loogu heli lahaa daadka joogtada ugusoo rogmada Qardho xili roobaadka, wuxuuna ugu baaqay dhammaan Bulshada Degmada in ay kala shaqeeyaan Dowladda dadaalka dowladnimo gaar ahaan Masuuliyiinta howlahan gacanta ku haya in lagu taageero wixii soojeedin iyo farsamo shaqo ah ee qeybta ka ah qorshaha lasoo bandhigay.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.