Hot Topics

Cunno yaridii ugu badnayd oo caalamku Sanadkan wajahayo

default

Golaha amaanka ee Qaramada midoobey,ayaa yeeshay kulan ay uga xaajoonayaan Cunta yarida caalamka soo wajahday.

780-Milyan oo Qof,ayaa guud ahaan caalamka ay haysataa duruuf Cunna yari,kuwaasoo intooda badan ku nool Yemen iyo Afrika.

Tirada Sanadkii hore Dadka Cunna-yaridu soo wajahday Caalamka oo idil,ayaa ahayd 340-Milyan oo Qof.

Laba Qodob,ayaa sal u ah Cunna yarida caalamka wal walka ku haysa,kuwaasoo kala ah..

1.Colaadaha.
2 .Isbadalka Cimilada.

Dagaalka Ruushka iyo Ukrain iyo fatahaada wax yeelaysay Dalagii Beeraha Bariiska ee Shiinaha oo ah Wadanka Beera Bariiska caalamka ugu badan,ayaa qaybta ugu weyn leh.

Si kastooy tahay xal,ayaa loo heli karaa Cunna yarida caalamka waliba Wadamada fakhriga ah,hadii ay uhagar baxaan kuwa Qaniga ah,waxaana tusaale loosoo qaadan karaa Miisaaniyada Maraykanku ku bixiyo Milleteriga 5% ka mid ah,waxay dabooli kartaa Cunna yarida caalamka oo idil Hal Sano.

 

Jibril Qoobey.