Hot Topics

MW Deni & Guddi ka socday Beesha Ciise Maxamuud oo is mari waayay

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kahor inta uusan ka duulin caasimadda Garoowe kulan la qaatay Guddi ka socday Beesha Ciise Maxamuud, kuwaas oo dhowaan soo saaray War-saxaafadeed ay ku dalbanayaan in Xukuumadda Puntland joojiso hannaanka dilmuquraadiyeynta.

Kulanka oo ka dhacay barqadii maanta Madaxtooyada Garoowe, ayaa labada dhinac isku dhaafsadeen dooddo iyo hadalo kulul. Guddiga Ciise Maxamuud ayaa u soo jeediyay MW Deni meelmarinta War-saxaafadeedkii ay dhowaan soo saareen, sida joojinta nidaamka dilmuquraadiyeynta iyo laalista wax-ka-bedelka Dastuurka, qaadashada mas’uuliyadda khasaarihii ka dhashay dagaalkii 20 June, ka dhacay Garoowe iyo in doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtooyada noqoto siddii hore (mid odayaashu soo xulaan).

Madaxweyne Deni ayaa intii kulanku socday dhaliil adag u jeediyay siyaasiyiinta Garoowe iyo Guddiga uu la kulmay ee diidan Dilmuquraadiyadda, waxaana uu goobta ka cadeeyay in aysan joojin doonin hannaanka dilmuquraadiyeynta Puntland, sidoo kale Deni ayaa iska diiday qaadashada mas’uuliyadda dagaalkii Garoowe.

“Ma la joojin doono nidaamka dilmuquraadiyeynta iyadoo siyaasiyiin kooban oo dano gaar ah leh loo afduubayo masiirka 98% dadka reer Puntland oo taageersan doorashooyinka dadweynaha, idinkuna beel ayaa tihiin oo masuul kama tihidin danta Puntland oo dawlad baa loo wakiishay” ayuu yiri MW Deni oo kulanka ka hadlayay.

Deni ayaa xusay in mas’uuliyadda iyo khasaaraha ka dhashay dagaalkii Garoowe ay leeyihiin kooxdii soo qaaday dagaalka, isagoo ku baaqay in magdhowda dadkii waxyeeladu soo gaartay ay iyagu bixiyaan.

Kulanka oo la isku mari waayay ayaa gabagabadii lagu balamay in mar kale la isku yimaado, kolka Siciid Deni uu kasoo laabto safar uu ugu amba-baxay dalka dibaddiisa.

IDILNEWS