Hot Topics

Xassan Sheekh oo dad waalan ku tilmaamay mucaaradka dawladdiisa +VIDEO

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dhaliilay dadka mucaaradsan dawladdiisa, isaga oo sheegay in aan xoriyad iyo dilmuquraadiyad lagu tilmaami karin cayda iyo aflagaado uu sheegay in loo geysto.

Xassan Sheekh oo xalay ka hadlayay munaasabad lagu xusay 17 sano-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Galmudug, ayaa xusay in aysan dawladdiisu kusoo dhagin (xirin) dadka dhaliila, isagoo ku tilmaamay in ay yihiin dad waalan.

“In qof la caayo iyo in qof la aflagaadeeyo xoriyatul qowl ma aha dilmuquraadiyadna ma aha meel ay ku san tahayna ma jirto, sidaas oo ay tahay weli dulqaad weyn oo weyn baan leenahay, kuma soo boodno kuma dhagno”

“Dadku culesyo ayay qabaan qaarkood daganaansho xiseed ayaa ka maqan in la daayo, haday catamaran haday aflagaadoonayaan iyo kii talo fiican sheegayaba, midkii talo fiican sheega waa laga qaadanayaa kii kalena waa la sugayaa inta uu maankiisa ka garto waxa uu sheegayo wixii saxda ahaa in aanay aheyn” ayuu Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

IDILNEWS