Hot Topics

Ruushka oo weeraray Markab Turkiga laga leeyahay

Turkey,ayaa ugu digtay Moscow inay ka fogaato xiisad kale kadib markii markab xamuul ah oo laga leeyahay Turkiga ay weerareen ciidamada badda Ruushka toddobaadkii hore, waxaa sidaas Khamiistii sheegay xafiiska madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

“Kadib faragelintii (Ruushka), dadkii nagala soo xiriiray Ruushka waxaa looga digay inay ka fogaadaan isku daygaas oo kale, taasi oo kasii dareysa xiisadda Badda Madow,” ayay tiri madaxtooyada Turkiga, kadib maalmo ay ka aamusneyd dhacdadan.

Markabka Sukru Okan ayaa sitay calanka Palau markii ay rasaas ku fureen ciidamada badda Ruushka Axaddii hore.

Militariga Ruushka ayaa kadib koray markabka si ay baaritaan ugu sameeyaan, kahor inta aanay u ogolaan inuu u shareecdo xeebta Izmail ee Ukraine, oo ah tan laga dhoofiyo dallaga ugu badan ee beeraha.

Dhacdadan ayaa timid ayada oo ay sii kordheen weerarada ka dhaca Badda Madow, kadib markii Ruushka uu ka baxay heshiiskii haruurka Ukraine bishii tagtay