Hot Topics

Maxaa ka socda saaka Laascaanood ?

Wararka laga helayo xarunta gobalka Sool ee Laascaanood ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka soconayaan magaaladaas, oo muddo kabadan 8 bilood ay ku dagaalamayaan maleeshiyaadka maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ee SSC-KHAATUMO.

Dhaqdhaqaaqyada ayaa yimid kaddib markii maalmihii lasoo dhaafay maleeshiyaadka maamulka Somaliland ee ku jira Goojacade ay tiro madaafiic ah kusoo tuurayeen Laascaanood. Mid kamid ah madaafiicda Somaliland ayaa ku dhacay goob uu sugnaa Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi oo kamid ah suugaanyahanada Soomaalida ugu magaca dheer.

Hoggaanka Taliska ciidamada SSC ayaa maalmo kahor lagu sameeyay isbedel, iyadoo Taliyaha howgalinta ciidamada loo magacaabay Gen. Cabdirashiid Qodhab oo kasoo jeeda gobalka Mudug.

Isagoo shalay kahor hadlayay ciidamada deegaanka, ayuu Hoggaamiyaha SSC-KHAATUMO ee dhowaan la doortay sheegay in maamulka Somaliland ay la geli doonaan dagaalo culus oo looga saarayo godadka ay ka qoteen Goojacade, waxaana uu ciidamada ku dhiirageliyay muhiimada halganka iyo in ay u diyaargaroobaan.

IDILNEWS