Hot Topics

Hoggaaminayaha kooxda Wagner oo shil diyaaradeed ku dhintay

Diyaarad ka kacday magaalada Moscow una socotay St. Petersburg ayaa burbrurtay Arbacadii, waxaana ku dhintay dhammaan 10-kii qof ee saarnaa, sidaasi waxaa soo tebinaysay wakaaladda wararka ee Associated Press oo soo xigatay saraakiil ka tirsan kuwa gurmadka ee dalka Ruushka.

Hoggaamiyaha kooxda calooshood-u-shaqaystayaasha ah ee Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa la sheegay inuu magaciisu ku jiray liiska rakaabka diyaaradda, hase yeeshee ma cadda inuu diyaaradda saarnaa.

Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in diyaaradda uu lahaa Prigozhin oo aasaasay shirkadda amniga ah ee gaarka ah ee Wagner.

Wakaaladda wararka Ruushka ee Tass oo soo xiganaysay saraakiisha gurmadka ayaa sheegtay in diyaaradda ay la socdeen saddex duuliye iyo toddoba rakaab ah. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay baarayaan burburka diyaaradda oo ka dhacay gobolka Tver oo ilaa 100KMs dhinaca Waqooyi ka xiga Moscow.

Prigozhin, oo ciidankiisu ay ka garab dagaalamaneen kuwa Ruushka dalka Ukraine ayaa sameeyey kacdoon muddo gaaban socday bishii Juun kaasi oo ka dhan ahaa hoggaanka milatariga waddankaas. Aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin ayaa sheegya inuu masaafuris u joogi doono Belarus, kadibna ciidankiisu ay hawlgal noqon doonaan, ama ay u raaci doonaan waddankaas ama ay ku biiri doonaan milatariga Ruushka.

AP/VOA

IDILNEWS