Hot Topics

Labo arrimood oo Xassan Shiikh ku riixay doodda Dekedda Garacad!

Hantidhowrka Dawladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Xamar, ayaa arbacadii sii daayay hadal dad badan ka yaabiyay, kaas oo la xiriiray in DF ay Dekedda Garacad ku leedahay 20 Milyan oo dollar, ahna lacag laga bixiyay labo xero ciidan oo ku yaalla Gaalkacyo.

Idilnews, ayaa heshay xog rasmi ah oo cadeynaysa sababta ka dambeysa hadalka kasoo yeeray Guutaale oo kamid ahaa wariyayaasha ka howlgalli jiray Koonfurta Soomaaliya, balse loo gacan geliyay xafiiska Hantidhowrka kaddib imaanshihii Xassan Shiikh ee kursiga Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud ayaa la sheegay in uu u soo dhiibay hadalkan Guutaale, isagoo ka caraysan labo arrimood oo kala ah;

1. In loo diiday in saami aan maalgashi ku imaan laga siiyo Dekedda Garacad. Xassan Shiikh ayaa waayay qorshe uu ku doonayay in saami loo gartay laga siiyo Dekedda oo uu arkay in si xawli ah shaqadeedu u socoto ayna leedahay suuq weyn oo hadda iyo mustaqbalka ah.

2. Dharbaaxo siyaasadeed oo uu kala kulmay dadaalo uu ku doonayay in Madaxweynaha Puntland ay is arkaan, si ay u gaaraan heshiis gaar ah una xaadiro shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhuusamareeb ka dhacaya horaanta September. MW Deni ayaa iska diiday soo jeedino uga yimid Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta oo ahaa in la dhexdhexaadiyo isaga iyo Xassan Shiikh oo dalbaday.

IDILNEWS