Hot Topics

Trump oo ka maqnaa dood dhexmartay musharaxiinta Jamhuuriga

Musharaxiinta xisbiga Jamhuuriga ee u tartamaya jagada madaxweynaha ayaa habeenimadii Arbacada waxay dooddii ugu horraysay ku yeesheen gobolka Wisconson ee dalkan Maraykanka, taasoo hordhac u ah, doodo xidhiidh ah oo dhexmaraya musharaxiinta xisbiga Jamhuuriga ee u tartamaya doorashada madaxtinimada ee dhacaysa sannadka soo socda ee 2024.

Madaxweynihii hore Donald Trump oo ka mida musharaxiinta ugu cadcad xisbiga Jamhuuriga ayaa xalay ka maqnaa doodda, isaga oo aad uga horreeya dhammaan musharaxiinta xisbigiisa. Trump ayaa u arka inaanu wax badan ka faa’iidaynin ka qaybgalka dooddan.

Trump ayaa la filayaa inuu maalinimada Khamiista isu dhiibo masuuliyiinta gobolka Georgia, ka dibna la mariyo nidaamka sharcigu dhigayo oo ay ku jirto in marka hore la xiro, hase ahaatee dammaanad lacageed lagu sii daayo.

Gobolka Georgia ayaa ku soo oogay Trump dacwado ay ka mid yihiin, inuu faro-geliyey doorashadii madaxtinimada ee looga adkaaday ee sannadkii 2020 gaar ahaan tii ka dhacday gobolka Georgia.

Inkasta oo dacwado kala duwani ay ku furan yihiin Trump, haddana wuxuu musharaxa ku xiga ka horreeyaa illaa 40 dhibcood, waxaana ku xiga badhasaabka gobolka Florida Ron DeSantis.

IDILNEWS