Hot Topics

Alshabaab oo Hub iyo Ciidan badan ku xasuuqday Duleedka Ceel-buur

Talyihii iyo Labadiisii ku xigeen ee Ciidanka Gor-gor, waa la dhaawacay.

Ciidan door ah,ayay ku laysay argagixisadu Deegaanka Cawsweyne,waxayna nolol ku kaxaysteen Tiro Askar ah

18-Beebe,ayay Gacanta ku dhigtay,halka ay gubeen 9-kale argagixisadu.

Waxay kala jareen gurmadyadii Ciidanka,iyagoo burburiyay difaacyadii Ceel-buur.

Waxa kaloo aad usii kordhaya khasaaraha Ciidamada Gorgor ee Cadowgu ku miray deegaanka Caws-weyne.

Ciidanku 4-saacadood ayey gurmad dalbanayeen Laakiin looma jawaabin.

Ceel-buur waa Magaalo cidlo ah oo go’doon ah,Askarta tagtayna,argagixisadu sidan ayay ugaadi karaan Saacad walba.

Dad badan,ayaa ku doodaya in uusan Xasan wadin Dagaal argagixiso ee igu sawir caalamka taageero uu uga raadsanayo ay socoto.

 

Jibril Qoobey.