Hot Topics

VIDEO: Hoggaamiyaha SSC “260 maxbuus baan ka qabanay Somaliland”

Hoggaamiyaha SSC, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali oo shir jaraa’id ku qabtay Laascaanood ayaa ka warbixiyay jabka ciidamada maamulka Somaliland loogu geystay dagaalkii jimcihii ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo sababay in ciidamada difaaca Sool qabsadaan dhul baaxad ahaan gaaraya 85-KM ayna difaacyo ka sameystaan deegaanka Guumeys oo qiyaastii 20-KM u jira deegaanka Oog oo Talis weyn ku leeyihiin ciidamada Somaliland.

Cabdulqaadir Firdhiye ayaa xusay in 260 maxbuus ay ka qabteen ciidamada maamulka Somaliland, kuwaas oo ay ku jiraan dambiilayaal dagaal, waxaana uu tilmaamay in Muuse Biixi uu hadda wado abaabul dagaal, masuuliyadda wixii ka dhasha weerar uu soo qaadana isagu yeelan doono.

IDILNEWS