Hot Topics

Faallo:-Guul darro walba oo Sool ka timaada waxaa iska leh reer Sool.

Puntland-ta kale,waajibkoodii,waa guteen oo hawlgalkii Sool,waa kasoo dhalaaleen.

Beesha Sool Dhul iyo Dadba waa Xor,iyagayna Gacantoodu ku jirtaa Aayaha masiirkooda.

Sadex arimood,ayaa ka haray reer Puntland-ta kale…

1.Laascaanood Gacantiinay ku baxday.
2.Cuqdad lakala dhex-dhigay Beelaha.
3.Tacadigii SNM ee Sool.

Reer Sool,waxaa utaal si gaar ah Shaqo adag iyo jihayn mustaqbal oo ay tahay in ay dareemaan masuuliyadaas culayskeeda….

1.Jihaynta Dhalinyarada Hubka Gacanta ku dhigay.

2.Jihaynta masiirka Gobolka.

3.Qaadashada doorka Qadiyadaha guud kaga aadan.

Sadex arimood,waxaa laga rabaa in ay ku baraarugsan yihiin……

B.Gaadmada SNM iyo qorshahooda xiga,kadib jabka gaaray.

T.Udabacsanaanta iyo saamaynta Maskaxeed ee ay SNM ku dhex yeelatay Bulshada Sool qaybaheeda kala duwan.

J.Dhisida Qabka iyo hanka Bulshada Sool.

Guul darro walba oo Sool laga soo sheego Saakay kadib,waxaa iska leh oo aan lala qaybsanayn reer Sool.

Puntland inteeda kale Difaaca Gobolka,waa idinla haynaysaa,sidoo kale Miisaaniyada,waa idinla xoojinaysaa.

Jibril Qoobey.