Hot Topics

Xasan Shiikh oo ka baaqday safar uu ku tagi lahaa Ceeldheer

Madaxweynaha DFS ee fadhigeedu yahay Muqdisho, Xasan Shiikh Maxamuud oo todobaadyadii u dambeeyay ku sugnaa caasimadda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa ka baaqsaday safar uu ku tagi lahaa magaalada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud oo maalmo kahor ay gudaha u galeen ciidamada DFS iyo maleeshiyaadka deegaanka.

Xasan Shiikh oo doonayay in uu sawirro kusoo galo Ceeldheer oo Alshabaab ay ka kaxeysteen dadkii joogay kahor inta aysan tagin ciidamada dawladda, ayaa baaqday kaddib markii ciidamadii qabsaday Ceeldheer isaga soo baxeen magaalada, iyagoo ka gadoodsan saad la,aan iyo in baylaha looga dhigayo argagixisada alshabaab si lamid ah ciidamadii Shabaab ku weerareen Cows-weyne.

IDILNEWS