Hot Topics

Maalintii 9aad, oo maxaabiis cusub la soo qab qabanayo.

Laascaanood, SSC-KHATUMO,
Iyadoo maanta oo sabti ah, September 2023, ayna tahay maalintii 9aad, ka dib dagaalkii jimcihii la soo dhaafay ka dhacay agagaarka magaalada Laascaanood kaas oo si xun loogu jabiyey maleeshiyaadkii snm ee Somaliland, ayaa waxaa maalin kasta la soo qabanayaa maxaabiis ka firxaday maleeshiyada snm, waxaana saaka la keenay magaalada Laascaanood maxaabiis Maxamed Axmed Rooble  oo sawirkiisu kor ka muuqda.

Waxaana la arkayay hoogaamiyaha maleeshiyada snm Muuse Biixi, oo ka soo muuqday banaanka galbeed ee magaalada Oog, isagoo weli ku hanjabaya inuu weerar soo qaadi doona, halkaaasoo ay isku hor fadhiyaan ciidamada difaaca deegaanka SSC-KHAATUMO.

IDILNEWS.