Hot Topics

Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho:

Wararka xarunta IDILNEWS ay heshay saaka ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay agagaarka deegaanka Deniile ee magaalada Muqdisho.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo ka dhacay deegaanka War Laliska ee degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Gaariga ayaa la sheegay in ciidamada ay qabteen kadib markii ay ka baaqsadeen in uu ka gudbo koontaroolka ciidamada ay ku leeyihiin wadada weyn.

Xilli ciidamada ammaanka ay su’aalo weydiinayeen dadkii saarnaa gaariga ayaa qarxay. Khasaaraha weli lama oga.

IDILNEWS.