Hot Topics

Puntland iyo Beesha Caalamka Oo Nayrobi ku kuwada hadlay

NAIROBI- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
Wasiirada Qorshaynta iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtoyada ee Dowladda Puntland oo maal mahaan hawlo shaqo u joogay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya,ayaa halkaas kulamo gaar gaar ah kula yeeshay Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka iyo hay’ado ka hawl gala Dalka Somaliya,gaar ahaan Puntland.

Waftiga oo ka kooban Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane Mohamed Said Faroole, wasiiru Dowlaha Madaxtoyada Mudane Cabdifitaax Cabdinuur iyo Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa shirar la qaatay: Safiirada Sweden, Denmark, kuxigeenka Safiirka Jarmalka, masuuliyiin ka socda barnaamijyada horumarinta, xasilinta iyo arrimaha bini’aadanimada ee Denmark, Norway, Jarmalka iyo FCDO UK sidoo kale masuuliyiin ka socota mashruuca RCRF ee Bangiga Adduunka iyo hay’adda GIZ.

Shirarka,ayaa diiradda lagu saaray…

1. Arrimaha bini’adantinimo iyo xasilinta Gobolka Sool

2. Mashaariicda horumarinta, gaar ahaan JPLG,
mashaariicda adeegyada aasaasiga ah (caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo adeegga cadaaladda iyo amniga), doorashada hal cod iyo hal qof ee Puntland, casriyeynta hannaanka Maaliyadda iyo kastamyada Puntland, Mashruuca horumarinta Booliska ee JPP iyo guud ahaan horumainta dhaqaalaha.
3. Arrimaha Federaalka iyo barnaamijka Deyn cafiska Soomaaliya.

Shirarka ayaa ku soo dhammaaday guul.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland