Hot Topics

Xamze Barre oo u amba-baxay dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamze Cabdi Barre iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay caasimadda dalka Qatar ee Doxa, halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho rasmi ah oo qaadanaysa maalmo.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xamze Barre uu kulamo la yeelan doono inta uu ku sugan yahay Doxa, madaxda Qatar oo ay ka wadahadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

“Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa inta uu joogo kulamo kala duwan la yeelan doono madaxda dalka Qatar, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.”

IDILNEWS