Hot Topics

Somaliland oo markale abaabulaysa duulaanka dagaal ee Gobolka Sool ay ku qabsato.

Somaliland waxay  wadaa hanjabaada xooga leh ee ah inay markale dib xoog ugula wareegayso dhul masaafo ahaan dhan 179km, oo gacanteeda ka baxay ka dib dagaalkii jimcadii 25, August 2023, kaas oo ka tirsan gobolka sool oo ay ku dagaalamayeen ciidanka SSC-KHAATUMO iyo SOMALILAND.

25 August 2023, dadka deegaanku waxay ku guulaysteen inay ka saaraan Somaliland deegaanka xuduuudahooda ah, halkaas oo jab xoogani ka soo gaaray ciidamada Somaliland, dhanka kale Somaliland waxay iyana qiratay in khasaare balaarani soo gaaray ciidamadeeda, lagana qabsaday hub iyo gaadiid ciidan oo boqol ka badan.

Iyadoo laga joogo 12 maalmood, dagaalkii Somaliland lagaga saaray gobolka Sool, ayay hada ku hanjabaysaa duulaan xoog leh, halka hay’ada laan qayrta cas ay sheegayso inay weli ilaa maanta ay soo ururinayso maydadka ciidamadii Somaliland ee ku dhintay dagaalkii jimcadii la soo dhaafay.

Waxay kaloo ICRC sheegtay inay gaarayaan 360 maxaabiista laga qabtay ciidamada Somaliland, halka maydadka la aasayna boqolaal ka badan yihiin.

Lama garan karo wax ka dhalan kara dagaal mar kale ka qarxa deegaamada Sool, halka dadka khabiirada ku ah arrimaha ciidamada iyo dagaalada ay sheegayaan inay Somaliland ku adag tahay inay dib uga soo kabato khasaarihii ka soo gaaray dagaalkii jimcada ee 25 August 2023.

IDILNEWS.