Hot Topics

Kenya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in la bilaabo wado tareen sanadka 2025

Kenya ayaa heshiis la saxiixatay Itoobiya si ay u dhisto shabakad wado tareen oo cabbirkeedu dhan yahay 3,000km oo isku xidha dekedda Lamu ee dhowaan la dhammaystiray iyo Addis Ababa, sida ay ku warantay shabakadda East Africannews.
Shaqada Lapsset, oo u taagan “Lamu-South Sudan-Ethiopia Transport Corridor Project”, ayaa la filayaa inay bilaabato 2025.

Qorshaha ayaa ah in la dhiso waddo tareen oo koronto ah oo aad u dheereysa oo isaga kala goosheysa Lamu ilaa magaalada Isiolo oo qiyaastii 200km dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Nairobi. Khadka ayaa markaa u kala qaybsan doona saddex si uu isugu xidho Nairobi, Addis Ababa, iyo caasimadda Koonfurta Suudaan ee Jubba.

Lapsset ayaa la filayaa inay ku kacdo $13.8bn, taas oo aad uga badan qiyaasta qorshaha tareenka kale ee Kenya, khadka SGR ee isku xira Mombasa iyo Nairobi.

IDILNEWS.