Hot Topics

Nugaal Hotel oo si rasmi ah xariga looga jaray

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Hajji. Ahmed E. Osman Karaash ayaa xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee Huteel Nugaal.

 

 

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaan hore Siciid Diiriye oo ah Mulkiilaha Huteelka sida uu uga qayb qaatay Shaqa abuurka bulshada iyo maal-gashiga joogtada ah ee uu dalka geliyey, isaga oo xusay kaalinta weyn ee uu ka qaatay Nabada iyo Horumarka Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Alle Caafimaad Sareecana uga baryey Xildhibaanka oo safar Caafimaad ugu maqan dalka dibediisa.

Munaasabada waxaa ka qayb galay Wasiirka Ganasiga Puntland, Wasiirka Warfaafinta, Xildhibaano, Duqa degmada Garoowe, Suldaan Siciid Maxamed Garaase, Ganacsato, Saraakiil, Siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.