Hot Topics

Dalabkii D.Somaliya Ee hakinta bixitaanka Atmis oo umuuqda mid aan la aqbalin

Sawiradan,waa Gaadiid sida Qalabkii Ciidamada Atmis ee la qorsheeyay in ay ka baxaan Somaliya Bishan 25-keeda.

Dadku waxay iswaydiinayaan halka uu ku danbeeyay Codsigii Dowlada Somaliya ee ahaa ilaa December in dib loogu dhigo bixitaanka Ciidamada Atmis.

Sababaha loo anaynayo in uu keenay jahwareerka jira ee xataa gaarsiisan Taliska Ciidamada Atmis,ayaa ah…..

1.Wakhtiga ay Dowladu codsigeeda soo dirtay oo daahitaan badan ku jiro,waxaana mar hore bilowday bixitaankii Ciidanka.

2.Warqada Codsiga oo ay udirtay Dowladu Golaha Ammaanka QM halka ay ahayd in ay udirto Golaha amaanka iyo Nabada ee Midowga Afrika.

3.Codsiga Dowlada oo ay ahayd in uu ka hadlo Wasiirka arrimaha dibadda ama Ra’isalawaaraha,kadibna Safaaradda Somalida ee Addis ay gudbiso.

4.Codsiga Dowlada oo ay ahayd in la ogaysiiyo lalana soo tashto ka hor shaacinta Wadamada Ciidamada Atmis ee jooga Somaliya ku deeqay.

Waxaa muuqata in uu jiro jahwareer ka dhashay sida Dowlada Somaliya umaaraysay xaaladan.

Jibril Qoobey.