Hot Topics

WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL OO DHISTAY GOLEYAASHA DEEGAANKA 19 DEGMO.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay u hambalyeynaysaa Goleyaasha Deegaanka 19 Degmo ee la dhisay, kuwaas oo yeeshay maamulkii Degmada hogaamin lahaa 5-ta sano ee soo socota haddi alle idmo.

Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay u mahadcelinayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay qabsoomidda fariisinta iyo dhaarinta Goleyaasha Deegaanka, sida Xisbiyada Siyaasada, Guddigii kumeel gaarka ahaa ee doorashooyinka Puntland (TPEC), daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, bahda Warbaahinta, ciidamada amniga, ururada bulshada iyo guud ahaan Dowladda iyo shacabka Reer Puntland.

Dhammaad

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.