Hot Topics

Xasan iyo kooxdiisa oo looga adkaaday loolankii Saxaafada

Xasan iyo kooxdiisa,waa looga adkaaday loolankii Saxaafada.

Sababta looga adkaaday,waxay tahay in Xasan iyo kooxdiisu ay u arkaan Mucaaradka Beel Daarood ah oo duulaan ku ah Xukunka Hawiye.

Halka aysan is waydiin war Xukunka aad Beesha Hawiye ku koobteen Dadkii N.N,kasoo ritay oo Jilbaha Dhulka udhigay in aad qabataana sababteeda lahaa soo ma’hayn Daarood?

Halka Beesha Hawiye badankeed NN la shaqaysanaysay,iyagoo karaad sanayay Badar iyo Beeso Maalin Qado ah.

Mucaaradkii Farmaajo waxa uu ahaa mid ka koobnaa Beelaha Somaliyed,isaguna waxa uu watay Beesha Hawiye isaga oo Daarood ahaa.

Balse wax kasta Xasan,ayaa ku ciyaaray oo Tola’ay iyo Beeshayda ka bilaabay kuna dhameeyay inuu talada xukunka iyo dhaqaalaha Beeshiisa ku koobo.

Dowladnimadu kama bilaabato Ra’isalwasaare kumana dhamaato…

1.Dhamaan Dawlad nimadii Beesha Xasan,ayaa isku koobtay.

2: Agaasimayaashii Beesha Xasan,ayaa isku koobtay.

3: Hubkii iyo Taakuladii laga helay Caalamka Beesha Xasan,ayaa isku koobtay.

4: Maareeyayaashii Beesha Xasan,ayaa isku koobtay.

5: Wax kasta oo Dawlad nimada macno ulahaa Beesha Xasan,ayaa isku koobtay.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo dheefta Dowladnimada Beeshaada ayay ku kooban tahay Xasan Shiikhoow.

Jibril Qoobey.