Hot Topics

Kulamo xasaasiya oo ka dhacay Xalay Madaxtooyada Dowlada Puntland

Xalay,waxuu la kulmay Gudiga Doorashada,Baarlamaanka iyo Gudoonkiisa Madaxweyne Deni.

Kulankooda,waxaa kasoo baxay,sida ay ii xaqiijiyeen Ilo hoose…

1.In lagu sii socdo Dimuqraadiyada dhamaystirkeeda.

2.In mudo kororsi 5-bilood ah la sameeyo.

Heshiiska laysla fahmay,waa in 8-Bilood lagu hirgeliyo Doorashada Madaxweynaha,ku xigeenkiisa iyo Baarlamaanka oo 3-da Bilood ee Dowladan uhartay iyo 5-Bilood oo kale lagu daro.

Dhanka kale,waxaa jira xogo sheegaya in Madaxweyne Deni aadayo Laascaanood Isniinta ama Talaadada,halkaas oo uu Garaadada kaga soo qaadanayo Saxiixa 17-ka Xildhibaan,sidaana ku qabanayo Doorasho 66-dii wax lagu doorto haduu soo helo Saxiixa.

Looba Jooge.!!

Jibril Qoobey.