Hot Topics

Faallo:-Xisbiyada Mucaaradku ma qaadan karaan door wax badbaadin?

Waa muhiim Shirkan Xisbiyada Sharciyaysan ee Mucaaradka Puntland ay ku qabsanayaan Garowe 17-20 Bishan.

Maantoo kale,waxaa loo baahan yahay aragti wax badbaadisa in la raadiyo.

Xisbiyada Mucaaradka,waxaa laga rabaa in ay keenaan hndise dhexe oo layskugu imaan karo.

Tusaale”

In laalo Qodobka oranaya Madaxweynaha,waxaa dooranaya Shacabka.

In Baarlamaanka kaliya ay doortaan Shacabku,kadibna Baarlamaanku doorto Madaxweynaha.

Qodobkaas hadii laysla fahmo,waxaa lagu cadaadin karaa Madaxweynaha,Musharaxiinta iyo Xisbiyada Mideeye iyo Horseed oo wuxuu umuuqda mid garab walba ka dhex arki karo tiisa.

Sidoo kale mashruucii Dimuqraadiyada u ah badbaado.

Xisbiyadu,waxay leeyihiin awood ay kaga hor imaan karaan foolxumaynta Dimuqraadiyada ee Deni wado.

 

 

 

Jibril Qoobey.