Hot Topics

Sharci cusub oo Kenya ka abuuray Kacdoon Shacab

Dowladda Kenya,ayaa qiimo cusub ku soo rogtay kaararka aqoonsiga waddanka, taas oo ay caro badan ka muujiyeen shacabka Kenya.

Muwaadiniinta Kenya ee da’adoodu gaartay 18 sano jir ayaa markii hore si bilaash ah ku qaadan jiray kaarka aqoonsiga dalka, balse wixi hadda ka dambeeya waxay bixin doonaan lacag dhan 1,000 shilin oo lacagta Kenya ah oo u dhiganta ilaa 7 doolar.

Waxaa sidoo kale la kordhiyay lacagta uu qofku bixinayo marka uu ka dhumo ama uu ka guubto, iyadoo laga dhigay 2,000 oo shilin oo u dhiganta 13 doolar, taas oo markii hore ahayd 100 shilin (66 cent)

Arrintan ayaa siyaabo kala duwan loogu hadal hayaa baraha bulshada. Qaadashada warqadda dhimashada ayaa ah 200 oo shilin ( 1.5 doolar)

Waxaa saddex jibaarmay qiimaha lagu qaadanayo warqadda guurka, waxaana laga dhigay 100,000 oo shilin ( in ka badan 700) oo doolar.

Qaadashada baasaboorka marka la cusboonaysiinayo ayaa waxaa ku kordhay qiimo gaaraya boqolkiiba 50.