Hot Topics

Faallo:-Kulanka Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Shiinaha?

Labada Nin ee ugu awooda badan xilligan caalamka,ayaa ku kulmay Sanfrancisco.

Shiinaha kulankan macno,ayuu ulahaa oo waxuu aad udanaynayaa Maalgashadayaasha Maraykanka xilligan oo dhaqaalihiisu uusan muujinayn koboc,ayna kor usii kacayso Shaqo la’aantu.

Labada hogaamiye ee Maraykanka iyo Shiinaha,ayaa kawada hadlay,arimo ay ugu waa weynaayeen…

1.Ganacsiga.
2.Taiwan.
3.Milleteriga
4.Bariga Dhexe.

Maraykanku,waxuu uga digay Shiinaha in uusan faragashan Doorashada soo socota ee Taiwan.

Halka Shiinuhu ka dalbaday Maraykanka in uu joojiyo Hubaynta Taiwan.

Maraykanka iyo Shiinaha oo ah Quwadaha Dhaqaalaha caalamka hogaamiya,ayaa isku afgartay…..

1.In hoos loo dhigo loolanka dhanka Milleteriga.

2.In la sameeyo xiriir toos ah oo heer Madaxweynayaal ah.

Kulankan markii horeba rajo badan lagama qabin in wax weyn ay kasoo baxayaan,waxaana ka muuqatay in Shiinuhu muujinayo diciifnimo.

Erayga bahdilka Diblomaasiyadeed ku ah Shirka iyo Madaxweynaha Shiinaha,waa jawaabta su’aal la waydiiyay Biden oo ahayd….

“Hada ka hor,waxaad ku sheegtay MW Shiinaha kaligii taliye ee hada see u aragtaa?”Waxuuna ku jawaabay Biden….”Haa,waa kaligii Taliye xukuma Dal aan Dimuqraadiyad lahayn”.

Qodobka muhiimka ahaa ee la filayay in ay kawada hadlaan Labada hogaamiye,balse aan lasoo hadal qaadin,ayaa ahaa…..

“Artificial Intelligence ”

Jibril Qoobey.